kul badhaale
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kul badhaale
Thermal or heat equator
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Thermal or heal equator
Kul badhaale
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kayn badhaale
Equatorial forest
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaynbadhaale
m.l (-layaal, m.l/dh) (juqraafi) Kaymaha cagaar-ma-dhigeyaasha ah ee ka baxa dhulalka badhaalaha, halkaas oo roobku uu culusyahay, Xilli oomane ahna usan jirin; meelaha qaarkood kaymahaani waxay ku sii fidsanyihiin dhulalka mansuunta dhabta ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaynbadhaale
-ha: (magac, lab, keli) juqraafi ahaan, kaymaha cagaarmadhigeyaasha ah ee ka baxa dhulalka badhaalaha, halkaas oo roobku uu culusyahay, xilli oomane ahna usan jirin. Meelaha qaarkood kaymahaani waxay ku sii fidsanyihiin dhulalka mansuunta dhabta ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kayn-badhaale
m.l (-layaal, m.l/dh) (juqraafi) Kaymaha cagaar-ma-dhigeyaasha ah ee ka baxa dhulalka badhaalaha, halkaas oo roobku uu culusyahay, Xilli oomane ahna usan jirin; meelaha qaarkood kaymahaani waxay ku sii fidsanyihiin dhulalka mansuunta dhabta ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cimilo badhaale
Equatorial climate
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimilabadhaale
m.dh (juqraafi) Nooca cimilo ee laga helo dhulalka hoose ee u dhexeya loolka 5° ilaa 10° ee woqooyiga iyo koonfurta badhaha. Sannadka oo dhan heerkulka iyo huurkuba si aan isbeddel lahayn ayayba u sarreeyaan, isbeddellada xilliyeedna waa wax aad u yar.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kulka badhaha
Heat equator
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimilo-badhaale
m.dh (juqraafi) Nooca cimilo ee laga helo dhulalka hoose ee u dhexeya loolka 5° ilaa 10° ee woqooyiga iyo koonfurta badhaha. Sannadka oo dhan heerkulka iyo huurkuba si aan isbeddel lahayn ayayba u sarreeyaan, isbeddellada xilliyeedna waa wax aad u yar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhyaale
min ka mid ah minanka faalka. Waa min dumarku iyo maahaysku iska leeyihiin. Sida kale, reeraha qaarkood maahine, uu fiicanyahay baa la yidhaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulshaale
-ha: (magac, lab, keli) qofka hadiyo jeer ay is fahmaan dadka badankiisa. Cabdirisaaq waa nin bulshaale ah. Dh: bulshaawi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabadhe
-ha: (magac, lab, keli) xarriijin ama fallaadh xagal u kala jarta labo qaybood oo is bed le'eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku dhaado
v. love dearly, show off one's love; ask for a girl's hand in marriage
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku fataal
v. waste, squander
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumbudhle
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar sida raha loo boodboodo oo sida loo kala dheereeyo ee meel dheerna loo gaadho lagu kala badiyo oo carruurtu ciyaaran. Bakayloow kumbudhle kambadhle is wadhleeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadable
m.l L. ah: qof laba guri ka wada cunteeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labadable
-ha: (magac, lab, keli) qof labo guri ka wada cunteeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku halmaal
v. make use of something, use one's power (to achieve something else)
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kul xidhan
Adiabatic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yabadhaalo
m.dh Carruurta ay dhasho haweeney minyaro ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yabadhaalo
-da: (magac, dhedig, keli) xaas labaad. Odayga Soomaaliyeed yabadhaalo wuu yaqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halxidhaale
-ha: (magac, lab, keli) su'aalo sarbeeb ah oo hablaha iyo innamada guurdoonka ahi isweydaarsadaan ama farriimaha maldahan laga dhigo oo Soomaalida caan ku ah carruurtana waxa lagu ababiyaa inta ay yaryar yihiin; masalooyin kookooban oo macna badan wata ka jawaabiddooduna fiiro u baahantahay oo la iswaydiidyo. Haddaad xil qaadi karayso halxidhaale ka jawaab. Dh: diinley, masalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabadhtan
-ka: (magac, lab, keli) labo meelood meesha u dhexaysa. Dh: kalabar, bartan, bartame, dhex.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kul dhaliye
-dhaliyaha: (n) heater (hiitar) ~ kululeeye
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulqaadgaar
m.l (fiisikis) Summad: c. Kulqaadka halkii halbeeg ee cuf ah, oo ah xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu sare u qaado heerkulka hal halbeeg oo cufka walax hal digrii kelfin (IK). Kulqaadka gaarka ee walax waxa lagu cabbiraa Juul/Kg K.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KUN-DAWAALE
(Cundawale) N Ochradenus somalensis Bak.F. Resedaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labadaraale
(adv) nevertheless (nevarthales), however (haw evar); in spite of that ~ si kastaba ha ahaatee; labadaraadle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salbadhiile
-ha: (magac, lab kali) dhirta bixisa badhida ee la manaafacaadsado. Dh: salbariile, salbaryaale.
salbadhiile -ha: (magac, lab kali) badhida lagu fadhiisto. Salbadhiilaha ayuu dhuxunkurreeb iga qaniinay. Dh: sal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salbaryaale
-ha: (magac, lab, keli) eeg salbadhiile.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
KALA BADNAASHO
Discrepanza
Discrepancy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaadhgaame
-ha: (magac, lab, keli) kaah birlab danabeed ay si joogto ah u bixiyaan walxo kaahfala marka ay walaxdu ku jirto kalaguur bu'eed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabadhitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg kalabadhid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuub-badhhabe
m.l (-bayaal, m.l/dh) (baay.) Marka la sharaxayo siimowga, xuub oggolaada inay dhexmaraan molikiyuulladda miluhu, hase yeeshee aanay dhex mari karin kuwa milmuhu.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kala badnaansho
Discrepanza
Discrepancy